Sunday, November 27, 2016

0

AKHRISKA MA JECESHAHAY

|

13 Talaabooyin: sida wax loo akhristo

Ma tahay qof wax dhigashada jecel? Ma tahay qof jecel inu darajo wanaagsan ama marks wanaagsan imtixaanadku ku guulaysto? Sideed wax u akhrisataa? Wakhti bay qaadan kartaa inaad bedeshid dabeecadahaga wax akhris laakin markaad isku daydid mudo ka dib waxay ku noqon shay dabiici ah.
1.       Casharkaaga ka dhig mid xiiso badan: inaad tirahdid hadaan darajo sareeya keeno shaqo wanaagsan ayaan ku helaya ku xiiso galin mayso. Waa inaad jeclaata waxaad qabanaysid.  Isku day inaad casharkasta ku xidhid ama xidhiid aad u yeeshid noloshaada. Tusaale ahaan hadaad dhiganaysid business isla markiiba suurayso inaad haysatid goob ganacsi ka dibna aad ku camal falaysid waxan aad dhiganaysid.
 
2.       Wakhtigaaga si wanaagsan u maamul: yeelo ama samayso jadwal aad wax ku akhrisatid.
 
3.       Wax u akhriso waslado 30 ila 50 daqiiqo ah: maskaxdaadu wakhti ayey qaadata si ay u xasuusato ama u keediso macluumad cusub mudo dheer. Markaa qaado mudo 5 ila 10 daqiiqo oo nasasho ah markaad si xidhiidh ah 30 ila 50 daqiiqo wax u akhrisid mudada aad nasanaysid is yar kala bixi si dhiigaagu u dhaqaaqo.
 
4.       Meel wax akhriska ku haboon wax ku akhri: meeshad wax ku akhrisanaysid wa inay noqota meel aad si fudud oo raaxo leh wax ugu akhrisan kartid laakin yaani noqon meel raaxo badan oo ku seexan kartid. Meeshu waa inay noqotaa meel aan buuq lahayn iyo aan lahayn wax kaa jeediya wax akhriskaaga.
 
5.       Maskaxdaada saafi ka dhig: hadu jiro wax maskaxdaada mashquulinaya sida hawl kale ku sugaysa ama dhibaato kale ku haysata ku dadaal si aad waxyaabaha maskaxdaada ka saartid. Soo qaado warqad iyo qalin ka dibna ku qor waxyaabaha maskaxdaada mashquulinaya,  intaasi waxay kaa cawin karta inaad maskaxdaada saafi garaaysid.
 
6.       Sii diyaari cunto fudud intaanad bilaabin wax akhriskaaga: ha sugin ilaa intaad ka gaajonaysid inaad cunto raadisid, si diyaari cunto fudud  tusaale ahaan keeg ama buskut. Si aanad hadhow kaa jiidhin wax akhriskaaga markaad gaajootid.
 
7.       Casharkaaga dib u qor: markaad fasalka dhex fadhidid ku dadaal inaad si wanaagsan macalinka u fahantid. Muhim maaha qoraalkad macalinka ka qoraysid inaad fasalka ku dhex nidaamisid. Marku casharku sidaa kugu dhamaado ku dadaal sida ugu dhakhsaha badan inaad dib ugu noqotid casharkaaga dib u habee iyo dib u nidaami qoraalkaaga ku sameesid intu casharku wali fresh yahay.  Waxaad samaysan karta laba boog mid aad fasalka dhexdiisa ku qortid iyo mid casharku marku dhaamado dib ugu habaysid.
 
8.       Marka hore casharkaaga inta ugu muhiimsan baro: dadka badankood markay casharka akhrinayaan waxay ka bilaaban inta u horeesa waxanay ku joojiyaan casharka dhamaadkiisa, qaab u akhriskaasi waxa dhaama inaad ka bilaabdid inta casharka ugu muhiimsan ka dibna aad akhrisid qaybaha kale.
 
  • Markaad cashar cusub bilaabaysid marka u horeesa akhri hore dhaca iyo cinwaanka iyo lineka u horeeya paragraph kasta iyo akhri gunaanadka casharka (summary) si aad u heshid fikir guud.
  • Ku hoos xariiq qalinkaaga qaybaha muhiimka ah si aad hadhow si fudud u aragtid ama isticmaal qalinka loo aqaano highlighter. Qalin bensel (pencil) ku ag qor qaybaha muhiimka ah sharax gaaban ama summary ama faalo yar.
  • Meel ka mid ah casharku hadu kugu adkaado isku day inaad qof kale u sharaxdid. Markaad u sharaxaysid qof aan fakir ka haysan mawduucan waxu faaidu ku leeyahay inu casharku xasuustada ku raago.
  • Hadaad meel cidla ah wax ku akhriyeysid kor u akhri ama ismaqashii.
 
9.       Ku dadaal inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu noqotid casharka markay xisadu dhamaato: markay xisadu sida u dhamaato hadaad mudo 5 ama 10 daqiiqo ah indhaha dib u raacisid waxay ku sahlaysa inu casharku xasuustada ku raago.
 
10.   Buugaga xagiisa danbe eeg inu leeyahay qaybta glossary ama vocabulary:qasab maaha inaad qaybtaa wada qaybsanaatid laakin waxa muhim ah inaad fahantid ereyada ama qaybaha ku yaala badankood.
 
11.   Casharka cusub la xidhiidhi wax aad hore u taqaane: qaabkani waa qaabka ugu fudud aad u xasuusan kartid cashar cusub.
 
12.   Sameeyso group ama koox aad wada akhrisataan: asxaabtada ama ardayda wanaagsan aad isku fasalka tihiin iskugu keen meel kaliya kuwada akhrista. Qofba intu fahmo ayu inta kale u sharaxi kara.
 
13.   Ha galin facebook ama youtube intaa aad wax akhrinaysid: casharkaaga yaanu kaa mashquulin wax aan faaido badan ku lahayn.
Read more »

0

Sidee loo noqdaa Arday Wanaagsan oo Guulaysta?

|

Sidee loo noqdaa Arday Wanaagsan oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”.
Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo.
Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.
Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.
  1. Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa.
Hawlaha lagaaga baahan yahay waxaa ka mida wax-akhris, qoraal, hawl-wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed,iwm. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu caddaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaantana siiso kuwa waxbadan ku soo kordhinaya hadafkaaga.
Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay haddaad qabato waad ku liibaanaysaa, is waydii waxaad u baahan ee khayraad ah sida buugta, internet-ka, lacag, qalab, saaxiibadaada aad isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta.
“Qorshaha wanaagsan ayuunbay nolosha wanaagsani ka bilaabantaa”.
2.      Akhri, faham oo dadaal dheeraada bixi duruustaada
Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa guro.
Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka oo si kooban loo sharxay:
  •  Eegmo korxaadisa (survey). Si korxaadis ah baad u indho indhaynaysaa cinwaanada, qoraalada jaantusyada iyo maababka, hordhaca, gabagabada iyo haddii uu cutubku leeyahay soo koobid.
  •  Su’aal (question). Cinwaanka, iyo cinwaan hoosaadyadaba waxaad u rogaysaa su’aalo. Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naftaada waydii su’aalahan: “muxuu macalinku cutubkan iga waydiin karaa?, maxaan hore uga aqaanay cutubkan? IWM”.
  •  Akhri (read). Hadduunbaad bilaabaysaa akhriskii dhabta ahaa. Inta aad akhrinayso, aad u dhugo in aad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha iyo qoraalada ku hoosyaal sawirada, jaantusyada, IWM. Waxaad il-gaara ku eegtaa meelaha xariiqda la hoosdhigay, farta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay (bold). Meelaha aan kuu cadayn ama mad madaw kaa galana xawaaraha akhriska hoos u dhig kuna noqnoqo haddii aad mar kaliya ku fahmi waydo.
  •  Dib u dhihid (recite). Su’aalo hadal ahaana iska waydii wixii aad imika akhriday, ama soo koob adiga oo isticmaalaya ereyo adigu aad leedahay. Calaamadi meelaha muhiimka ah, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad ereyadaada dib ugu cabirto. Inaad dib u odhan ama u xasuusan karto wixii aad akhriday waxaa kaa saacidaya haddii aad isticmaasho dareemayaal dhowra sida: araga, dhihida, maqalka IWM.
  •  Dib u eegis ama naqtiin (review). Wixii aad akhriday ee aad dib-u-dhihida ku samaysa baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto. Caadiyan talaabadan ugu dambaysaa waa mid joogto ah oo lagaa rabo inaad samayso marar kala duwan si aad u weelayso, u fahamto una jilciso wixii aad akhriday.
Waan akhriyay halna ka garan maayo maaha laba is qabta. Haddii hanaankani uu kaa caawin waayo akhris wax-ku-oola, waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay. Hadda haw malayn in aad maalin qudha ku helaysid midhaha dariiqan iyo mid kale toona. Waxay u baahan yihiin samir, ku celcelin, iyo jilcin.
         3.   Falaska u soo xaadir si joogta ah
Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh.  
         4.  Ka shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor.
Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun. Qaybta ugu muhiim sani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxaa kaw ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylis yada iyo hawl-aqooneedka laguu soo diro. Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aad hore u dirto layliska, ama hawlaha laguu diro si aad u hesho aragtida macalinka ama cidda kuu dirtay. Haddiiba aad wax seegto waxaa la arkaa in fursad laguu siiyo aad ku hagaajiso adiga oon ka dib dhicin wakhtigii laysla qaatay.
         5.  Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.
Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan.
Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”. Taas  oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.
       6.  Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:
  •  Samayso hadafyo aad rabto inaad gaadho, una hormee sida ay u kala mudan yihiin.Si aad wakhtigaaga u maamusho waa inaad ka bilawdaa horta maxaan doonayaa inaan gaadho, sideen u gaadhayaa, maxaan qabanayaa si aan u gaadho iyo su’aalo la mida. Inta aad taxdo dhamaan hawlaha aad gabanayso, u kala hormari sida ay u kala mudan yihiin.
  •  Faaqid oo qiimee sida aad wakhtiga u isticmaasho imika.Iswaydii sida aad wakhtiga u isticmaasho imika iyo waxa aad qabato saacada maalintii iyo habeenkii. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato halka wakhtigaagu ka dayacmo iyo waxa kaa dayaca wakhtigaba. Waxaanay kuu sahlaysaa inaad qorshe wanaagsan u samayso isticmaalka wakhtigaaga.
  •  Qorshee wakhtigaaga, samayso jadwal, isla markaana maamul wakhtigaaga si wax ku oola. Hawlaha aad qabanayso markaad taxdo, waxaad u baahan tahay inaad waafajiso wakhtiga aad mid walba qabanayso adiga oo iska-hor-iyo-daba keenahayn. Jadwal fudud iska samayso oo xidhiidhinaya hawsha iyo wakhtiga. Kaasi wuxuu kaa caawin doonaa inaad sahal u aragto, una fuliso hadba hawsha kuu taala. Ta ugu muhim sani waa “inaad naftaada ku ilaaliso kuna kantaroosho jadwalkaas”. Hadaba, jadwal kasta ma waxtarbuu leeyahay? Maya. Jadwalku waa inuu noqdaa mid ku caawinaya, oo isu dheeli tiraya noloshaada. Haddii aad hawl ka buuxiso uun wakhtigaaga waxaa xaqiiqo ah in aad daalayso. Sidaa daraadeed hubi in jadwalkaaga ay ku jiraan wakhti raaxo iyo wakhti madhan oo aad ugu talo gasho hawlaha soo darsa.
  •  Mar walba dib-u-eegis ku samee, qiimee,isla markaana hore-umari hanaanka aad u maamusho wakhtiga. Marwalba dib qiimee, sida aad wakhtiga u maamusho. Hababka aan shaqaynayn badal, kuwa lagu reeyayna xooji, kuwo cusub oo waxtar lehna soo kordhi.
Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtiga lumiya ama dayaca oo uugu wayn yahay “dib-u-dhigistu”. Arin walba waxaa fiican inaad qabato wakhtigeeda. Haddii aad dib u dhigto, wuxuu kordhiyaa uun culayska ku saarmaya beri. Carabtaa ku maahmaahda “hawl maanta aad qaban karto dib ha ugu dhigin berito”.
Waxyaalaha dhalinta wakhtiga ka lumiya imika waxaa ugu badan dhowr shay: daawashada kubada iyo filimada/musalsalada, fadhiisiga maqaaxiyaha, sheekada tilifoonka, iyo la jooga saaxiibada. Waxaasoo dhan waxaa aabo u ah “han yaraan iyo hadaf la’aan”. 
Waxaa muhiima inaad maalintaada la noolaato oo aanad isku mashquulin wixii tagay. Waa inaanaf khaldin maanta wixii shalay kaa qaloocday, berina waa inaad ku talogashaa inaad qabato wax ka fiican wixii maanta.
Gabagabo
Ugu dambayntii, ardayga wanaagsani waa ka qorshaysta noloshiisa, hadaf samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustiisa ku dadaala, wax badan akhriya, aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla markaana wakhtigiisa ka fii’aadaysta.
Read more »

0

MAWDUUC : HABABKA UGU FUDUD EE WAX LOO XIFDIYO

|

أفضل طرق الحفظ


في ظل ما نشهده من تطور ووسائل التكنولوجيا الحديثة التي تتطور بشكل سريع أصبحت قدرة الإنسان على الحفظ ضعيفة، فقد
 أثبتت دراسة حديثة انه كلما ازدادت الأجهزة ذكاءً كلما ازداد الإنسان غباءً، ففي عصرنا الحالي نجد أن الناس أصبحت تعتمد على الفيسبوك لحفظ أعياد ميلاد أقاربهم، وأيضاً أصبحنا لا نحفظ أرقام الهواتف، بل نعتمد على الأجهزة الحديثة واستخراجها منها عند الحاجة في حين أنّنا كنا نحفظ أرقام هواتف منازلنا وأقاربنا أيضاً قبل ثورة التكنولوجيا التي نشهدها حالياً. لا بدّ من الإشارة إلى أنّنا بحاجة إلى العودة لاستخدام الوسائل التقليدية للحفظ، بما لا يتعارض مع استخدام الوسائل الحديثة بل علينا الاستعانة بها لحفظ المعلومات التي نحتاجها، فالطالب عليه المحافظة على استخدام الورقة والقلم وتسجيل ملاحظاته فيما يتعلق بالمواد الدراسية، ويمكن لمدير العمل أيضاً وضع أجندة يسجل فيها أهم الأرقام والتواريخ المطلوبة لعمله، والسيدة في المنزل يمكنها تسجيل ملاحظات متعلقة بواجباتها الأسرية أيضاً. ويمكن أن نلخص أسهل طرق الحفظ فيما يلي: أفضل طرق الحفظ: ينصح بقراءة الدرس قراءة أولية بشكل عام، ومن ثم التركيز على كل فقرة وقراءتها قراءة استيعابية، ويمكن القيام بتظليل المعلومات المهمة من أجل زيادة ترسيخها في العقل ، وبعد القراءة يأخذ الطالب ورقة وقلم ويسجل ما تم حفظه من الدرس، ثم يلقي الطالب نظرة على الدرس ومقارنته بما قام بكتابته على الورقة ليتأكد من انه قام بحفظ الدرس. كثرة تكرار ما تم حفظه مع التسميع، حيث أن التسميع يرسخ المادة ويسرع حفظها أكثر من الذي يقوم بحفظ المادة دون تسميع. أن يحفظ الطالب دروسه بالتدريج ولا يسابق الزمن لكي يسرع في الحفظ، لأنه بهذه الطريقة سوف ينسى المعلومات بشكل سريع. اختيار الوقت المناسب للحفظ وهو إمّا آخر الليل أو أول النهار، مع الأخذ بعين الاعتبار أن يأخذ الطالب فترة كافية للنوم حتى يستطيع تذكر ما تم حفظه. للحصول على أفضل نتيجة يجب أن يكون الطالب قد حصل على غذاء متوازن، وان يبتعد عن القلق والتوتر، ويفضل اخذ استراحة بين فترة وأخرى أثناء عملية الحفظ. لا تختلف طرق الحفظ للطالب عن طرق الحفظ للأشخاص العاديين، فلكل منا وظيفة أو مهام عليه حفظها، فمشاغل الحياة ممكن أن تنسينا الكثير من الأشياء، حتى أسماء الأشخاص الذين مروا بحياتنا ممكن نسيانها، لذلك لا بد من المداومة على حفظ المعلومات التي نرغب بحفظها بالطريقة التي تناسبنا كتسجيل الملاحظات وغيرها من الوسائل.

Read more »

0

MAWDUUC : ALLE KA CABSIGA

|
تقوى الله في السر والعلن 
اني أوصيكم ونفسي بتقوى الله عز وجل في السر والعلانية، والإخلاص له في الأعمال والأقوال، والاقتداء برسولنا الكريم محمد صلى الله عليه وسلم في جميع اعمالنا وفي كل ما نتقرب به إلى ربنا عز وجل، فإن تقوى الله تبارك وتعالى هي السبب العظيم في تحصيل سعادة الدنيا والآخرة، قال الله تعالى:(وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا * وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ). لقد كانت التقوى هي وصية الله عز وجل للأولين والآخرين، قال تعالى: (وَلَقَدْ وَصَّيْنَا الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ وَإِيَّاكُمْ أَنِ اتَّقُواْ اللّه) والإخلاص هو أصل قبول الأعمال، فلا يقبل الله من الأعمال إلا ما كان خالصاً لوجهه الكريم، فلم يشرك صاحبها فيها مع الله غيره، ولا يقصد بها رياء ولا سمعة ولا شهرة ولا محمدة ولا ثناء من أحد، قال الله تعالى)  :وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ( وقال تعالى:( فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاء رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا) وقال تعالى لنبيه الكريم صلى الله عليه وسلم وهو قدوة المخلصين ): قُلْ إِنَّ صَلاَتِي وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ * لاَ شَرِيكَ لَهُ وَبِذَلِكَ أُمِرْتُ وَأَنَاْ أَوَّلُ الْمُسْلِمِينَ) ، وقال الله لنبيه صلى الله عليه وسلم: ( قُلْ إِنِّي أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ اللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ الدِّينَ * وَأُمِرْتُ لِأَنْ أَكُونَ أَوَّلَ الْمُسْلِمِينَ) وقال سبحانه) :وَلَقَدْ أُوحِيَ إِلَيْكَ وَإِلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ * بَلِ اللَّهَ فَاعْبُدْ وَكُن مِّنْ الشَّاكِرِينَ(ولكون الشرك يحبط الأعمال ويضيع ثوابها حذر الله عز وجل منه عباده، كما في الآيات السابقة، وكما في قوله تعالى: (مَن يُشْرِكْ بِاللّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللّهُ عَلَيهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ) وقوله تعالى: ( إِنَّ اللّهَ لاَ يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَن يَشَاء وَمَن يُشْرِكْ بِاللّهِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلاَلاً بَعِيدًا) وقال عز وجل: (وَلَوْ أَشْرَكُواْ لَحَبِطَ عَنْهُم مَّا كَانُواْ يَعْمَلُون) وفي الحديث القدسي عن أبي هريرة رضي الله عنه، قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: (( قال الله تعالى: أنا أغنى الشركاء عن الشرك، من عمل عملاً أشرك معي فيه غيري تركته وشركه(( رواه مسلم رحمه الله، والرياء هو الشرك الخفي الذي يبطل الأعمال ويفوت الثواب، قال الله تعالى: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تُبْطِلُواْ صَدَقَاتِكُم بِالْمَنِّ وَالأذَى كَالَّذِي يُنفِقُ مَالَهُ رِئَاء النَّاسِ وَلاَ يُؤْمِنُ بِاللّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ)، وعن جندب بن عبد الله بن سفيان رضي الله عنه، قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم : ((من سمّع سمع الله به، ومن يرائي يرائي الله به(( متفق عليه. قال النووي رحمه الله ((سمّع)) بتشديد الميم ومعناه أظهر عمله للناس به ((سمع الله به (( أي فضحه يوم القيامة. ومعنى ((من راءى، راءى الله به(( أي من أظهر للناس العمل الصالح ليعظم عندهم. (راءى الله به( أي أظهر سريرته على رؤوس الخلائق. والاقتداء بالرسول صلى الله عليه وسلم في كل ما نتقرب به إلى ربنا هو الأصل الثاني الذي يترتب عليه قبول الأعمال، فقد أمرنا الله عز وجل باتباعه وحذرنا من مخالفته، فقال تعالى: (قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ * قُلْ أَطِيعُواْ اللّهَ وَالرَّسُولَ فإِن تَوَلَّوْاْ فَإِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ الْكَافِرِينَ) وقال تعالى: (وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ) وقال تعالى: (فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ(. والرسول صلى الله عليه وسلم لم ينتقل إلى الرفيق الأعلى إلا بعد أن بلغ الناس ما أنزل إليه من ربه أكمل البلاغ، وبعد أن بين للناس ما نزل إليهم أتم بيان، كما قال الله تعالى له: (يَا أَيُّهَا الرَّسُولُ بَلِّغْ مَا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ) ، وكما قال جل شأنه: (وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ) وقد أنزل الله عز وجل عليه مصداق ذلك، حيث قال سبحانه: (الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا) فكل ما لم يكن في زمن رسول الله صلى الله عليه وسلم ديناً فليس اليوم بدين. وفي الحديث الصحيح، قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد( رواه مسلم رحمه الله، وقال صلى الله عليه وسلم: (من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد( متفق عليه. فالواجب على كل مسلم ومسلمة أن يتقيا الله عز وجل، وأن يخلصا في أعمالهما وأن يتقيدا بكتاب الله وسنة رسوله أوصيكم أيها الأخوة في الله بالحرص 
على التواصي بالحق، والصبر فيما بينكم بالأمر بالمعروف والنهي عن المنكر، والتعاون على البروالتقوى

Read more »

0

gabay ku saabsan abaaraha iyo wax hormuud u noqon kara

|
umada somaliyeed o ah dad u badan xoola dhaqato ayaa marka ay abaaruhu dhacaan oo naqii ay xoluhu u daaqi lahaayeen yaraado waxa ay sameeyaa alle bari iyo wax isu sheeg hada gabay o latiri yay xili bari samaad kii ah ayaa hadana waxaa u malaysaa in uu waqti xaadirkan u dhigmo waxana uu ku bilaabanaya:

Niman yohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka
Dabka ololi uu miga ka karay aradka guudkiisa
Raxmadii ilaahay waxay noogu iman weyday
Ee ariyo geelii marshaye ibirka noosaaray
Arradka iyo gaajada waxay nagu Loomeeyay
Geeduhu waxay u angageen ubaxana loo waayay
Ee ay ugaadhu u bakhtidad aydu miranaysay
Eelkaa wixii dhigay hadaan idin ogaysiiyo Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
Hadii ay islaanimo jirtoo la ijtihaadaayo Asha haadda iyo tawbadii lama ilaaweeyne
Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
Goortay ilma adeeradii uurka ka colow day
Igaar waliba kii xigay markuu dhacay aduun kiisa
goortii amaanada lacunay eleh ku kuu dhiibtay
Inkiraadi goortay timee aamin laswaayay
Afka buuxi mooyee markay aayar socon weyday
Inaysamadu naga oodantaa waa abaal marine
Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
Al lalaasku goortuu ka karay or iyo duulaanku Nimaan ayna kaa dhicin markii udubka loosaaray
Oo faha markay kala heleen kaalka la afeeyay
Goortay asayda u xireen ooriduu mehershay
aamadu markay ooyayeen loo arxami waayay
markii abayaal lagu dilee gaban agoomoobay
inay samadu naga oodan taa waa abaal marine
ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
axdi nimaad lahay deen markuu oofin kari waayay
aayadaha diinta ah markii iida (E) laga doortay
isim kii ilaahay markii la istixayn waayay
inay samadu naga oodantaa waa abaal marine
ilaahay maloo noqo nayaa axadki weeyaane.

gabay ku saabsan abaaraha iyo wax hormuud u noqon kara

Read more »

Thursday, September 8, 2016

0

WAR DEG DEG AH: CIIDUL ADXA WAXA AY KU BEEGAN TAHAY 12/09/2016

|
CIIDUL ADXAA Waxa ku beegan tahay 12/09/2016 oo ah isniinta inagu soo aadan haduu ALLE idmo, kadib markuu sucuudigu uu ku dhawaaqey in sabtidu ay ahayd bilowgii dul xijjah, markaa waxa la inala da ah hadaynu muslimiin nahay in aynu ka fogaano waxyaalo badan oo mukhaalafaat ah amase EEBBE WEYNE lagu caasinayo oo ay ka mid yihiin khamaarka, turubka, isku dheex biirka rag iyo dumar iyo waxyaalo kale oo badan.

Maalinkan waa maalin lagu camiro takbiirta, tasbiixda, akhrista quraanka, ducada iyo acmaasha khayrka ee fara badan, markay aynu ka faa ideysano oo ayni masaakiinta .

WAAD MAHADSAN TIHIIN.





Read more »

Sunday, September 4, 2016

0

QORMO KUSAABSAN : HABDHAQANKA WANAAGSAN

|
qormadeena waxa ay ku saabsantahay oo ay ka hadlaysaa habdhaqanka wanaagsan, sidan soo socota ayaynu uqaybinaynaa qormadeena:

Kow: Qeexida habdhaqanka wanaagsan.
Labo: Jidka loo maro kasbashada habdhaqan wanaagsan.
Saddex: Maxaa ku toosin karaa Habdhaqankayga.
Afar: Dadkii wanaagsanaa waxay ka yidhaahdeen habdhaqanka wanaagsan.

kow: Qeexida habdhaqanka wanaagsan.

                 Marka hore EEBE ayay u sugnaatey mahad dhamaanteed, marka xigta hadaynu toos ugalno ciwaanka oo ah qeexida habdhaqanka wanaagsan waxaynu leenahay: waxa ku faafay dadka dhexdooda suuraysasho ama qeexitaano ay siiyeen habdhaqanka wanaagsan oon sax ahayn, halka uu qeexitaanka saxda ahi uu yahay kani ay cadaynayaan ayaatka QURAANKA KARIIM ah iyo AXAADIISTA SUUBANAHA [ NNKH ] ugana markhaati kacayo waaqicu, wuxuu yidhi jurjaani [ ashariif cali ibnu muxamed ]: habdhaqanka wanaagsani waa wax laga cabiro xaalad usugnaatey nafta oo aad uxeel-dheer isla markaana ay uga soo fulaan ficiladu ama falalku si fudud oo sahlan oon ubaahnayn fikir , sidaasi aawadeed hadii ay kazoo fulaan shaygaa xeesha dheer leh ee nafta calaaqada lalihi ficilo amase falal wanaagsan xaga caqliga iyo sharcigaba waxaynu ku magacaabeynaa habdhaqan wanaagsan taa caksigeeda ama kazoo horjeedkeegana habdhaqan xun, habdhaqanka wanaagsana ma aha mid ku xidhan ama calaaqo laleh markasta falka ama ficilka kasoo fulaya, tusaale ahaan waxa jira qof deeqsiya dabeedcad ahaan laakiin lacagta aan bixinaynin sababo awgeed sida: inuuna lacag hayn amase waxyaboo kale oo jira, waxaana jira nin bakhayl ah dabeecad ahaan laakiin lacagta bixinaya hurayana sabab awgeed amase istus iyo wixii lamida, acmaashuna gabi ahaanba waxay waafaqaysaa niyada sida suubanuhu tilmaamey.

Labo: Jidka loo maro kasbashada habdhaqan wanaagsan.

              Waxa kamid aha faa idooyinka barashada habdhaqanka wanaagsan ee lamahadiyey: midho dhaliteeda iyo isku dayga hirgalinteeda amase ku dhaqankeeda inta uu ka awoodo isaga oo isku dayaya inuu gaadho fadliga uu habdhaqanka wanaagsani leeyahay iyo isku qurxinteeduba.
waa kuwan qaar kamid ah jidadka loo maro kasbashada habdhaqanka la mahadiyey:
1.     Barashada cilmiga sharciga gaar ahaan dhinaca mucaamalaatka iyo axkaamta habdhaqanka iyo akhlaaqda wanaagasani ay leedahay , guud ahaana axkaamta guud adiga oo isa soo hordhigaya markasta waajibnimada shayga waajibkaa iyo xaaraamnimada shayga xaaraamtaa, qodobkanina waa ka ugu muhiimsan kasbashada handhaqanka wanaagsan.
2.     Tabobar camal ahaaneed , isdhisid[ iimaan ]  iyo warkahayn naf ahaaneed.
3.     Inaad ku dhex noolaato mujtamac wanaagsan.
4.     Inaad yeelato qof model kuu ah oo wanaagsa. [ ku dayato ]
5.     In aad samaysato walaal ama saaxiib wanaagsan oo ku sifaysan akhlaaqda wanaagsan.

Saddex: Maxaa ku toosin karaa Habdhaqankayga.

          Waa kuwan qodobada ugu muhiimsan ee aad ku toosin karto habdhaqaankaga:
1.     In aad si tartiib ah udhisto naftaada , waayo tarbiyadu ma ahan shay si kadisa isla markaaba u imanaya, markaa tartiibso.
2.     Shay kastiba in aad kula dhalaqantid dabeecada ku haboon , xaalad kastana ta uqalanta, waayo dabeecadaha dadka iyo xaalaadkooga naf ahaaneed way kala duwan yihiin, waana laga maarmaan inaad ilaaliso qodobkaasi una tix galiso qofkasta dabeecadiisa gaarka ah, tusaale ahaan nabigu qanaa imtii ama xoolihii laga helay xunayn dadka qaarna uusiiyey qaarna uu ka tagey, waxa lamida fatxu makkah, nabiguna waxa uu samaynay ficilkaasi wax kale ma aanay ahayn laakiin waxa uu ilaalinayey asalkan aynu soo sheegney.
3.     In aad naftaada u ilaaliso sida geedka loo ilaaliyo, waayo hadii geedku marka uu korayo hadii la ilaalin waayo amase laga warhayn waayo waxa uu u koraya si cashwaa iya ama aan nidaamsanayn,  markastoo gacanta lagu hayo lana waraabiyo wuxuu u koraa si wanaagsan, sidaas oo kale ayay yihiin dabeecadaha banii aadamkuna oo waxay ubaahan yihiin kawarhayn si ugu korto si wanaagsan.
4.     Kor uqaadid, macnuhu waxa uu yahay : kor uqaad naftaada oo ujihee halka sare iyo ahdaafta kuweega caaliga ah adigoo ka jihaynaya amase ka kaxaynay waxyaabaha hoose aysan ugu jiran nafta liibaanteeda aduunyo iyo teeda aakhiraba.
5.     Waa inuu jiraa wax ku dhiiri galiya in aad isku qurxiso akhlaaqda ama habdhaqanka wanaagsan, dhiiri galiyahaasi waa inuu adi ama gudahaaga ka yimaadaa, bimacnaa waa in aad jeceshahay in aad habdhaqan wanaagsan yeelato una sabirto qodxaha yaala jidka aad ku gaadhayso hadafkaagaas.

Afar: Dadkii wanaagsanaa waxay ka yidhaahdeen habdhaqanka wanaagsan.

Majaalku waa uu ku haboon yahay in aanu keeno waxyaali kamid ah wixii ay ka yidhaahdeen salafkeeni wanaagsanaa habdhaqanka iyagoo amaanaya teeda wanaagsan dhaleecaynayana teeda xun, run ahaantiina manu soo wada koobi karno laakiin wax uun baynu ka tilmaamaynaa haduu ALLE idmo.
HADALADOODII WAXA KAMID AH:
1.     Abuu muxamed ibnu xazmi wuxuu leeyahay: “ ha ku daalin naftaada illaa wax ka qaalisan mooyee, taasina umaysan ahaanin illaa ILAAHAY mooyee , taasina waxay ku ahaanaysaa: inaad dadka ugu baaqdo xaqqa, ood ugar-gaarto ka dulmisan ee ladulmiyey………raganimo umaysan ahaanin ninkaan diin lahayn.
2.     Waxa kale oo uu yidhi wadaadku [ ibnu xazmi ]: ha urarin walaalkii wax dhibaya isla markaana ogaanshihiisu aanuu faa ido ulahayn waayo taasi waa falalka dadka liita. [ bimacnaa dadka ha ku dhibin hadalkaaga ].
3.     Qofka lagu imtixaano ismahadin, ha ufiirsado ceebihiisa [ isla sheekhii] .

INTAASAYNU KU DAYNAYNAA MAANTA QORMADAN. [ ASC ].



BY: Abdirahmaan Al-zaylaci.
                  
                    







Read more »

Copyright © 2010 ZEILA ISLAMIC INSTITUTE

Template N2y Shadow By Nano Yulianto