Sunday, September 4, 2016

20-07-2016 Qalin Jabintii Machadka Zaylac oo maanta Rays Hotel ka dhacdey VIDEO+SAWIRO

|
Maanta oo Arbaco ah waxa ka dhacey HOTEL RAYS xaflad qalin jabin oo ay ku caroos naayeen ardaydii ka soo dhiganaysay machadka 4 tii sano ee ina soo dhaaftey, Arday ka qalin jabisey machadka ayaa iskugu jirey wiilal 42 arday ka koobnaa iyo gabadho isla tiradaaasi ahaa oo ku magacaabnaa dufcadii todobaad ee ka baxda machadkaas,  waxa ka soo qaybgalay xafladaas marti sharaf Heer Qaran, Heer Gobol iyo Heer Degmoba iskugu jira, oo ay ugu cadaayeen wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland, wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, sheekhul baladka gobolka Awdal iyo salal, jaamacadaha kala duwan ee ka furan gobolka Awdal sida CAMUUD, EELO IYO BEDER. waxana ugu horeyntii halkaa ka hadley maamulaha machadka Zaylac sh.xasan khayre dirir oo cadeeyey maraaxishii kala duwanaa uu machadku soo marey iyo waxyaabo kle, ugu danbayntiina bartaas waxa lagu gudoonsiiyey ardaydii shahaadooyinkoodii. waa kuwan qaar kamid ah sawiradii xafladu









0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2010 ZEILA ISLAMIC INSTITUTE

Template N2y Shadow By Nano Yulianto