qormadeena
waxa ay ku saabsantahay oo ay ka hadlaysaa habdhaqanka wanaagsan, sidan soo
socota ayaynu uqaybinaynaa qormadeena:
Kow: Qeexida
habdhaqanka wanaagsan.
Labo: Jidka
loo maro kasbashada habdhaqan wanaagsan.
Saddex: Maxaa
ku toosin karaa Habdhaqankayga.
Afar: Dadkii
wanaagsanaa waxay ka yidhaahdeen habdhaqanka wanaagsan.
kow: Qeexida
habdhaqanka wanaagsan.
Marka hore EEBE ayay u sugnaatey mahad
dhamaanteed, marka xigta hadaynu toos ugalno ciwaanka oo ah qeexida habdhaqanka
wanaagsan waxaynu leenahay: waxa ku faafay dadka dhexdooda suuraysasho ama
qeexitaano ay siiyeen habdhaqanka wanaagsan oon sax ahayn, halka uu qeexitaanka
saxda ahi uu yahay kani ay cadaynayaan ayaatka QURAANKA KARIIM ah iyo
AXAADIISTA SUUBANAHA [ NNKH ] ugana markhaati kacayo waaqicu, wuxuu yidhi
jurjaani [ ashariif cali ibnu muxamed ]: habdhaqanka wanaagsani waa wax laga
cabiro xaalad usugnaatey nafta oo aad uxeel-dheer isla markaana ay uga soo
fulaan ficiladu ama falalku si fudud oo sahlan oon ubaahnayn fikir , sidaasi aawadeed
hadii ay kazoo fulaan shaygaa xeesha dheer leh ee nafta calaaqada lalihi ficilo
amase falal wanaagsan xaga caqliga iyo sharcigaba waxaynu ku magacaabeynaa
habdhaqan wanaagsan taa caksigeeda ama kazoo horjeedkeegana habdhaqan xun,
habdhaqanka wanaagsana ma aha mid ku xidhan ama calaaqo laleh markasta falka
ama ficilka kasoo fulaya, tusaale ahaan waxa jira qof deeqsiya dabeedcad ahaan
laakiin lacagta aan bixinaynin sababo awgeed sida: inuuna lacag hayn amase
waxyaboo kale oo jira, waxaana jira nin bakhayl ah dabeecad ahaan laakiin
lacagta bixinaya hurayana sabab awgeed amase istus iyo wixii lamida, acmaashuna
gabi ahaanba waxay waafaqaysaa niyada sida suubanuhu tilmaamey.
Labo: Jidka
loo maro kasbashada habdhaqan wanaagsan.
Waxa kamid aha faa idooyinka
barashada habdhaqanka wanaagsan ee lamahadiyey: midho dhaliteeda iyo isku dayga
hirgalinteeda amase ku dhaqankeeda inta uu ka awoodo isaga oo isku dayaya inuu
gaadho fadliga uu habdhaqanka wanaagsani leeyahay iyo isku qurxinteeduba.
waa kuwan
qaar kamid ah jidadka loo maro kasbashada habdhaqanka la mahadiyey:
1. Barashada
cilmiga sharciga gaar ahaan dhinaca mucaamalaatka iyo axkaamta habdhaqanka iyo
akhlaaqda wanaagasani ay leedahay , guud ahaana axkaamta guud adiga oo isa soo
hordhigaya markasta waajibnimada shayga waajibkaa iyo xaaraamnimada shayga
xaaraamtaa, qodobkanina waa ka ugu muhiimsan kasbashada handhaqanka wanaagsan.
2. Tabobar camal
ahaaneed , isdhisid[ iimaan ] iyo
warkahayn naf ahaaneed.
3. Inaad ku dhex
noolaato mujtamac wanaagsan.
4. Inaad yeelato
qof model kuu ah oo wanaagsa. [ ku dayato ]
5. In aad samaysato
walaal ama saaxiib wanaagsan oo ku sifaysan akhlaaqda wanaagsan.
Saddex: Maxaa
ku toosin karaa Habdhaqankayga.
Waa kuwan qodobada ugu muhiimsan ee
aad ku toosin karto habdhaqaankaga:
1. In aad si
tartiib ah udhisto naftaada , waayo tarbiyadu ma ahan shay si kadisa isla
markaaba u imanaya, markaa tartiibso.
2. Shay kastiba in
aad kula dhalaqantid dabeecada ku haboon , xaalad kastana ta uqalanta, waayo
dabeecadaha dadka iyo xaalaadkooga naf ahaaneed way kala duwan yihiin, waana laga
maarmaan inaad ilaaliso qodobkaasi una tix galiso qofkasta dabeecadiisa gaarka
ah, tusaale ahaan nabigu qanaa imtii ama xoolihii laga helay xunayn dadka
qaarna uusiiyey qaarna uu ka tagey, waxa lamida fatxu makkah, nabiguna waxa uu
samaynay ficilkaasi wax kale ma aanay ahayn laakiin waxa uu ilaalinayey asalkan
aynu soo sheegney.
3. In aad naftaada
u ilaaliso sida geedka loo ilaaliyo, waayo hadii geedku marka uu korayo hadii
la ilaalin waayo amase laga warhayn waayo waxa uu u koraya si cashwaa iya ama
aan nidaamsanayn, markastoo gacanta lagu
hayo lana waraabiyo wuxuu u koraa si wanaagsan, sidaas oo kale ayay yihiin
dabeecadaha banii aadamkuna oo waxay ubaahan yihiin kawarhayn si ugu korto si
wanaagsan.
4. Kor uqaadid,
macnuhu waxa uu yahay : kor uqaad naftaada oo ujihee halka sare iyo ahdaafta
kuweega caaliga ah adigoo ka jihaynaya amase ka kaxaynay waxyaabaha hoose aysan
ugu jiran nafta liibaanteeda aduunyo iyo teeda aakhiraba.
5. Waa inuu jiraa
wax ku dhiiri galiya in aad isku qurxiso akhlaaqda ama habdhaqanka wanaagsan,
dhiiri galiyahaasi waa inuu adi ama gudahaaga ka yimaadaa, bimacnaa waa in aad
jeceshahay in aad habdhaqan wanaagsan yeelato una sabirto qodxaha yaala jidka
aad ku gaadhayso hadafkaagaas.
Afar:
Dadkii wanaagsanaa waxay ka yidhaahdeen habdhaqanka wanaagsan.
Majaalku waa
uu ku haboon yahay in aanu keeno waxyaali kamid ah wixii ay ka yidhaahdeen
salafkeeni wanaagsanaa habdhaqanka iyagoo amaanaya teeda wanaagsan
dhaleecaynayana teeda xun, run ahaantiina manu soo wada koobi karno laakiin wax
uun baynu ka tilmaamaynaa haduu ALLE idmo.
HADALADOODII
WAXA KAMID AH:
1. Abuu muxamed
ibnu xazmi wuxuu leeyahay: “ ha ku daalin naftaada illaa wax ka qaalisan
mooyee, taasina umaysan ahaanin illaa ILAAHAY mooyee , taasina waxay ku
ahaanaysaa: inaad dadka ugu baaqdo xaqqa, ood ugar-gaarto ka dulmisan ee
ladulmiyey………raganimo umaysan ahaanin ninkaan diin lahayn.
2. Waxa kale oo uu
yidhi wadaadku [ ibnu xazmi ]: ha urarin walaalkii wax dhibaya isla markaana
ogaanshihiisu aanuu faa ido ulahayn waayo taasi waa falalka dadka liita. [
bimacnaa dadka ha ku dhibin hadalkaaga ].
3. Qofka lagu
imtixaano ismahadin, ha ufiirsado ceebihiisa [ isla sheekhii] .
INTAASAYNU KU DAYNAYNAA MAANTA QORMADAN. [ ASC ].
BY: Abdirahmaan Al-zaylaci.